Monday, May 21st, 2018

Suuqa : United Oo Miiska Saartay Mushaar Ronaldo Ku Qasbaya In Uu Ku Soo Laabto Old Trafford.

Published on April 9, 2016 by   ·   792 Comments

Man United ayaa hamineysa in xagaaga dambe helaan saxiixa Ronaldo kaasi oo wararka qaar sheegayaan in uu baxayo.

Wargeyska Sport ayaa sheegaya in la xaqiijiyay in Ronaldo uu suuq geeyay gurigiisa Madrid taasi oo micnaheedu tahay in uu baxayo.

Kaliya 60 milyan oo euro ayaa ah qarashka United ay ku heli karaan mar kale xiddigooda Roaldo

Warku waxa uu intaa ku darayaa in United ay doonayaan in laacibkaan ku soo jiitaan mushaar sareeya kaasi oo u dhaxeeya 19 illaa 25 milyan

Waxaa xusid mudan in hishiiska Ronaldo ee Real uu dhacayo xagaaga 2018-ka ,waxaana sidoo kale dooneysa kooxda PSG