Monday, May 21st, 2018

Ciyaar Waalneyd , Lovren Ayaa Liverpool Waqtigii Dheeriga Dhamaadka Ciyaarta Waxa Uu U Soo Saaray Semi Finalka Europa League ,Dortmund Ayay 4/3 Ku Tumeen

Published on April 14, 2016 by   ·   839 Comments

Liverpool ayaa waqtigii dheeriga ee geerida waxa ay guul weyn ka gaartay kooxda Doretmund oo ay goolka 4-aad ee guusha ka dhaliyeen waxana u saxiixay Dejan Lovren , waxa ayan sidaas ugu soo baxeen semi finalka tartanka Europa League

Dortmund ayaa ku horeysay laba gool oo ay kala dhaliyeen Henrik Mkhitaryan Pierre-Emerick Aubameyang iyadoo nasiinada lagu aaday labaadas gool

Kulan aad u xaraarad badan oo daawasho mudnaa ayuu ahaa , waxaana Liverpool goolka 1-aad u dhaliyay Divock Origi ka dib so labashadii daqiiqaddii 48-aad xilli Dortmund ay sedexeeyeen daqiiqaddii 57-aad waxaana saxiixay Marco Reus balse Liverpool ayaa goolka cajiib ahaa waxaa u dhaliyay Philippe Coutinho daqiiqaddii 66-aad

Ciyaarta ayaa aheyd mid laga filan karayay goolal dheeraad ah marka laa eego xamaasadda ciyaartooyda waxaana Liverpool goolka bar bar dhaca ee sedexaad u saxiixay Mamadou Sakho daqiiqaddii 78-aad halka kan guusha ay heleen waqtigii dheeriga ee dhamaakda ciyaarta

Kulankii hore ee garoonka kooxda reer Jarmal aya ku soo dhamaaday bar bar dhac min hal gool ahaa

 

waxa qorey Abdi Qafar Ali

 

xuquqda warkan waxa iska leh        WWW.QAFSPORTS.NET