Monday, May 21st, 2018

Goodax Barre ma astaahilo inuu noqdo Xildhibaan matalo beesha agoon Cabdalle (Sabab)

Published on November 26, 2016 by   ·   836 Comments

Goodax Xilka agoon Cabdalle Ma mudna Maanta

Cabdulaahi Goodax Barre waxuu ahaa xildhibaan sidoo kale waxuu noqday wasiirada qorsheeynta iyo iskaashiga caalamiga ah sidoo kale waxuu noqday wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka

IMG_0048

Somalia waxeey wax ku qeeybsatay Qabiil oo nin Walba messha ku tagay Waxaan xasuustaa Madaxweynaha hadeer ee Puntland Cabdiwali gaas oo Garoonka Boosaaso iyo garoowe u wareejiyey lacagtii loogu talo galay garoomo kale oo somalia ah waliba ku faanay oo sheegay inuu leexiyey

Cabdulaahi Goodax Barre Markuu xilka haayey wasiirka arimaha gudaha ah waxii mashaariic ahaa ee Turkigu ka fuliyey somalia hal ceel ama hal booyad ama hal mashruuc Hiiraan uma keenin

Goodax beesha uu ka dhashay waxna ma tarin xili abaaro jireen ayaa loogu tagay xamar oo rag odayaal ah ugu tageen waxuuna si cad u sheegay in uusan kursiga u haaynin beesha agoon cabdalle balse uu lacagtiisa kala baxay odayaashuna aay iska tagaan

Sidoo kale Cabdullahi Goodax barre waxuu Si ku talo gal ah u iibsaday Raashin loogu talo galay Degmada matabaan gaar ahaan galbeedka degmada asigoo ku xumeeynaa beesha uu kasoo jeedo lamana yaqaano sababta

Cabdullahi goodax barre oo xukumadii uu ka tirsanaa riday kuna noqday Ratigii Xeerigiisa cunay waxuu ku fashilmay siyaasada ayadoo soomaalidu la yaabtay hab dhaqankiisa siyaasadeed kadib markii xukumadii cabdi wali uu riday asna lagu abaal mariyey Xil ka qaadis ayuu bilaabay aflagaado joogto ah oo dowlada xasan ka dhan ah

Goodax haduu soo laabto waxeey dhabar jab ku tahay ururka damjadiid oo uu meel ula fadhiyo aflagaado iyo eedeeyn waxba ka jirin waayo asigu marku wasiirka arimaha gudah ahaa maxuu qabtay?

Sidoo kale waxeey waji gabax ku noqon doontaa beesha agoon cabdalle hadii aay xilka siiyaan Ninnii shalay yiri kursigaan waan iibsaday ee maahan kursi agoon

Cabdullahi goodax barre shalay ayuu beesha agoon kula shiray jowhar asiga iyo musharaxiinta kale waxaana leey sheegay inuu af labadii yeeray asiga oo leh Agoonoow yaan leey ceebeeynin oo aan cadowga leey jabinin Goodaxoow cadowga adigaa agoon horay ugu jabiyey waayo intaad wasiirka aheed kiish Buleendo ah kuma sheegatid tolkaada ma hada ayaad tolka noqoneeysaa??

Isku soo wada duubo cabdullahi goodax waxuu ka midyahay ma liibaanayaasha aan lagu liibaaniinin waxaana fadeexad iyo bahdilaad noqon doonto hadii agoon cabdalle doorto Goodax ayado aay joogaan rag agoon iyo soomaalida magac ku dhax leh xilkana aay u taaganyahiin

Coomaad online